Wararkii ugu dambeeyay weerarka saaka ay Al-Shabaab ku qaaday saldhig militeri oo ku yaalla Galgaduud

0
272

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-Shabaab saaka ay weerarro ismiidamin ah ku ku qaadeen saldhig milteriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Qaayib oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Dagaal culus ayaa saaka salaaddii subax ka dib ka billowday deegaanka Qaayib oo qiyaastii dhowr iyo 30 kiilomitir u jirta magaalada Baxdo, waxaa la sheegay in labo gaari oo lagu soo raray walxaha qarxa lagu weerarray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka oo taaageerro ka helayo militeriga Soomaaliya ee fadhigoodu yahay deegaankaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka xilli dagaal xooggan uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo kooxihii weerarka soo qaaday.
Waxaana adag in la helo xogta ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkan maadama isgaarsiinta ay ka maqan tahay deegaanka Qaayib.
Ilo kala duwan oo ku sugan magaalada Baxdo ayaa warbaahinta u sheegay in dagaal culus uu ka socday halkaas tan iyo saaka salaaddii subax ka dib.
Qaayib waxay ka mid ahayd meelihii dhawaan laga saaray Al-Shabaab, ciidamada deegaanka oo garab ka helaya ciidamada dowladda ayaa qabsaday deegaanka oo ay dhowr iyo toban sano ka talinayeen Al-Shabaab.
Ilaa iyo hadda wax faahfaahin ah lagama hayo weerarka inkastoo Al-Shabaab ay saaka ay galeen oo ay gacanta ku dhigeen deegaanka Qaayib.
Ma jiro war madax bannaan oo xaqiijinayo sheegashada Al-Shabaab.
Wax war ah lagama hayo ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ee ku sugnaa deegaankaasi.
Gobolka Hiiraan, Hrshabeelle iyo maamulka Galmudug waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday dagaal u dhexeyo dadka deegaanka oo garab ka helaya ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.
Dhawaan ayay ahayd markii isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho lagu qaaday labo qarax oo ay ku dhinteen in ka badan 100 ruux halka 300 oo qof ay ku dhaawacmeen.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in afartii cisho ee la soo dhaafay ay ciidamadeeda dileen ku dhawaad 200 oo dagaalyahanada Al-Shabaab ah.