Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka Mithika Linturi ayaa sheegay in dowladda dhexe ay dhisi doonto 100 biya xireen si kor loogu qaado sugnaanta cuntada.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in biyo xireennada ay wax ka qaban doonaan abaaraha ba’an ee saameeyay qaar ka mid ah ismaamullada wadanka.
Mr. Linturi ayaa carrabka ku dhuftay in biyi xireennada lagu dhisi doono muddo saddex sano gudahood.
Waxaa uu sheegay in ay ceeb tahay in kenyaanka ay wali la ildaran yihiin gaajo 60 sano ka dib markii dalka uu ka xaroobay gumeystihii Ingiriiska.
Wasiirka wasaaradda beeraha dalka ayaa dhanka kale sheegay in dowladda ay shaqaaleysiin doonto tignoolajiyad casri ah ee la xiriirta waraabka, si kor loogu qaado wax soo saarka cuntada.
Waxaa uu sidoo kale ka codsaday Kenyaanka inay beeraan geedo si loo yareeyo saameynta isbeddelka cimilada.
Mithika Linturi ayaa muwaadiniinta ku boorriyay in ay u dhaga nuglaadaan baaqyada madaxweynaha dalka William Ruto, si Kenya ay u hesho shan bilyan oo geedo ah toban sano gudahood.