Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuna eedeysan dilal ka dhacay Magaalada Muqdisho.
War kooban oo ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay rag lagu soo koobay magacyadooda Cabdulle iyo Cumar lagu fuliyay dil toogasho ah.
Sidoo kale, Maxkamadda ayaa tilmaantay in 13-kii bishii 11-aad ee sanadkii 2019-kii Raggaan lagu qabtay Suuq Boocle, iyaga oo markaasi gaystay dil.
Waxaa dilka ka dib warbaahinta la hadlay ku xigeenka xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Khaliif.
Dowladda Soomaaliya ayaa kordhisay dilalka lagu fulinayo dadka xukunsan ee ka tirsan Al-Shabaab.