Golaha ammaanka oo muddo kordhin u sameeyay howlgalka QM ee Soomaaliya

0
285

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar muddo kordhin ah oo loo sameeyay howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).
Muddo hal sano ah, oo ku eg ilaa 31-da bisha Oktoobar ee sanadka 2023-ka, ayaa loo kordhiyay xafiiska UNSOM.
Muddo kordhintan waxay ku soo aaday iyadoo dhawaan uu dhamaaday waajibaadka ergaygii QM ee Soomaaliya, danjire James Swan.
Qaraarka ansixinta oo tirsigiisu yahay 2657, ayaa 14 dal waxay u codeeyeen in la kordhiyo waajibaadka UNSOM, halka hal waddan uu ka aamusay.
Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale u caddeeyey in dib u eegis lagu sameeyo xaaladda Soomaaliya, iyadoo la eegayo horumarka siyaasadda iyo xaaladda amni ee dalka.
UNSOM waxaa la abuuray bishii Lixaad ee sanadkii 2013-kii.
Golaha Ammaanka ayaa u abuuray in la taageero dhismaha dowladnimada iyo nabadeynta Soomaaliya.