Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka oo Isniin ah xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex Nin oo horay Maxkamadda xukunno dil ah ugu ridday, kuwaasi oo ka mid ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Saddexda nin ee dilka toogashada ahaa lagu fuliyay ayaa lagu kala magacaabi jiray Nuur Wayne, Xasan Boy iyo Keerow, waxaana Maxkamadda sheegtay inay qaraxyo ku dileen dad shacab ah iyo mas’uuliyiin, iyagoona ilaa 2019-kii ahaa xukun fulin sugayaal.
Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa goobjoog ka ahaa goobta xukunka dilka ka dhacaayay oo ahayd fagaaraha Iskuul Buluusiya oo ku yaalla degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir.
Maxkamadda Ciidamada ayaa toddobaadkii hore xukunno dil toogasho ah ku fulisay ilaa 5 Nin oo uu ku jiray Askarigii dilay Wasiirkii howlaha guud Cabaas Siraaji, halka kuwo kalena ay ahaayeen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab iyo Daacish.
Home Wararka Soomaaliya Muqdisho:Dil saaka lagu fuliyay rag ka tirsan Al-Shabaab oo dilal iyo qaraxyo...