Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo laga helay COVID-19

0
743

Hoggaamiyaha xibsiga ODM Raila Odinga ayaa laga helay cudurka Covid-19 sida ku xusan bayaan soo baxay galinkii dambe ee shalay.
Raila Odinga ayaa qoraalka ku sheegay in galinkii dambe ee shalay uu wargelin ka helay dhakhaatiirta oo labadii cisho ee ugu dambeeyay sameynayay baaritaano caafimaad si ay faahfaahin dhameystiran oo xaqiiqda ku saleysan ay uga soo saaraan xaaladiisa ka dib markii la dhigay isbitaalka Nairobi Hospital .
Mr. Odinga ayaa xusay in kastoo natiijooyinka ay ahayeen kuwo guud , uu howlwadeenada caafimaadka u oggolaaday in ay shaaciyaan in cudurka COVID-19 uu saameeyay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.
Sidoo kale Mr. Odinga ayaa sheegay in uu aqbalay soo jeedin uga timid dhakhaatiirta oo ah inuu billaabo karantiil khasab ah.
Waxaa uu Kenyaanka xusuusiyay in cudurka COVID-19 uu dhab yahay oo uu ka dhex jiro bulshada sidaas awgeedna cid kasta laga doonayo in ay raacdo tallaabooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee xanuunka lagula tacaalaya.
Sidoo kale waxaa uu u mahadceliyay dhammaan dhakhaatiirtii u istaagay in ay si dhow ula socdaan xaaladiisa caafimaad iyo cid kasta oo u rajeynaysay inuu bogsado.
Dhakhtarka gaarka ah ee Raila Odinga , Dr. Oluoch Olunya ayaa sidoo kale warbaahinta u xaqiijiyay in siyaasigan laga helay cudurka.
Waxaa uu sheegay in Raila uu daawada si fiican u qaadanayo islamarkaana xaalad deeganaan ah uu ku jiro.
Dr. Oluoch ayaa intaa ku daray in ay si dhow ula socon doonaan xaaladda caafimaad ee madaxa ODM.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa laba cisho ka hor la dhigay isbitaalka Nairobi Hospital ka dib markii uu la soo darsay xanuun dhanka jirka ah iyo daal guud.
Waxaa uU toddobaadyadiI ugu dambeeyay ismaamullada dalka gaar ahaan kuwa gobolka xeebta ka waday ololaha sharci beddelka ee BBI oo uu dadweynaha ugu baaqayay in ay taageeraan.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here