DHAGEYSO:Ciidamada dowladda oo howlgal ballaaran oo dad lagu soo qabtay ka sameeyey xaafado ka tirsan Muqdisho

0
198

Ciidanka booliska Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan oo kaashanaya hay’adda nabadsugidda sirdoonka qaranka ee NISA ayaa howlgal ay ku xaqiijinayaan ammaanka gobolka Banaadir waxay ka sameeyeen xaafadda ay ka mid tahay suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.
Howlgalka oo saacado badan qaatay ayay ciidamada ay ku baarayeen guryaha iyo gaadiidka, waxaana goob fagaaro ah ay isugu keeneen ku dhawaad 100 dhallinyaro ah oo howlgalka lagu soo qabtay wallow badankood la siidaayay.
Saraakiisha amniga ayaa sheegeen in howlgalkan looga hor tagaya falalka lidiga ku ah ammaanka caasimadda.
Sidoo kale saraakiisha amniga ayaa sheegay inay soo cadeyn doonaan dambiyada loo haysto shakhsiyaadka la qabtay.
Howlgalka markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay taliye ku xigeenka qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir Saciid Baryare