Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dalka Soomaaliya ayaa saaka waxay xukun dil ah ku fulisay Shucayb Cabdullaahi Maxamad iyo Saadaq Cabdi Jabaar Cumar, kuwaas oo lagu helay inay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab.
Labada Ruux ee dilka Toogashada ah lagu fuliyay ayaa la sheegay in ay horay Magaalada Muqdisho uga gaysteen dilal qorsheysan, waxaana Maxkamadda oo horay xukunka ugu riday ay sheegtay in ay ku heshay Caddeymo ku filan.
Shucayb Cabdullaahi Maxamad iyo Saadaq Cabdi Jabaar Cumar ayaa Al-Shabaab ka tirsanaa in muddo ah, waxaana howlgaladooda iyo dilalka ay qayb ka ahaayeen tan iyo 2014-kii.
Wararka ayaa intaasi ku daray in 3 sano ay raggaan xirnaayeen oo ay sugayeen fulinta xukunka ku dhacay maanta.
Toogashada ka dib waxaa warbaahinta la hadlay ku xigeenka xeer ilaaliyaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Muumin Xuseen Cabdullaahi.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka dhawaan xukun dil ah ku fulisay Nin horay u dilay Wasiir, sanadkii 2017-kii, kaasi oo ugu dambeyn dilkiisu uu dhacay maalmo ka hor.