Saddexdii bilood ee la soo dhaafay oo ay Kenya jaad u iibgaynaysay dalka Soomaaliya ayaa waxaa uga soo baxay dhaqaale dhan 4 bilyan oo shilin.
Waxaa arrintan shaaca ka qaaday madaxa soo saaridda jaadka iyo dalagyada laga ganacsado Felix Mutwiri.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tan iyo bishii Toddobaad ee sanadkan in Kenya ay Soomaaliya u dhoofisay 1.46 milyan oo kiilogaraam oo jaad ah.
Tani ayaa timid ka dib markii labada dowladood ee dariska ah ay ka heshiiyeen khilaaf dibloomasiyeed oo u dhexeyay.
Mr Mutwiri ayaa intaasi ku daray in horay loo oggolaa inay maalin kasta Soomaaliya geeyaan 40 taan oo jaad ah balse hadda taasi la dhimay oo ay dhoofiyaan keliya 19 taan maalinkii.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tani ay caqabad tahay balse ay kala hadlayaan guddi iskudhaf ah si loo xalliyo.
Guddigan ayaa waxaa xubno ka ah saraakiil matalaya dalalka Kenya iyo Soomaaliya.