DHAGEYSO:Aamiin Maxamad oo loo dhaariyay xilka agaasimaha dambi baarista dalka

0
409

Aamiin Maxamad Ibraahim oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u magacaabay xilka agaasimaha waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da ayaa maanta jagadan loo dhaariyay.
Waxaa uu sheegay inuu waaxdan u hoggaamin doono si xirfad iyo cadaalad ay ku dheehan tahay.
Mr. Aamiin ayaa intaasi ku daray inay ka go’an tahay sidii waaxda dambi baarista ay u noqon lahayd mid si buuxda u tixgelisa oo u ilaalisa xuquuqda aasaasiga ee kenyaanka iyo xeerarka dastuuriga ah.
Waxaa uu sidoo kale ballanqaaday inuu dadajin doono wax ka qabashada kiisaska taagan iyo in uu cadaaladda hor keeno dadka dambiilayaasha ah.

Aamiin ayaa buuxinaya jagadii uu bishii hore iska casilay George Kinoti oo uu madaxweynaha hadda talada dalka haya marar badan ku eedeyay inuu u shaqeynayay qaab siyaasadeysan in kastoo uu dhaliishaasi Kinoti iska fogeeyay.

 

Madaxa cadaaladda ee wadanka Martha Koome oo iyadu dhaarisay ayaa dhanka kale kula dardaarantay agaasimaha cusub ee waaxda DCI-da in uu ilaaliyo sharciga inta uu ku guda jiro shaqadiisa
Ku simaha taliyaha ciidanka booliska wadanka Nuur Gaaboow ayaa u xaqiijiyay Kenyaanka in Aamiin uu yahay ninka ku habboon shaqada.