Wasiirka magacaaban ee arrimaha gudaha oo shaaciyay hantidiisa

0
348

Prof. Kithure Kindiki oo uu bishii hore madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay xilka wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa sheegay inuu leeyahay hanti qiimaheedu yahay 544 milyan oo shilin.
Waxaa uu xusay in dhaqaalahan uu ku helay siyaasad, bare jaamacadeed oo uu soo noqday , qareennimo iyo ganacsi.
Arrintan ayuu u sheegay guddiga baarlamaanka u qaabilsan turxaan bixinta lagu sameeyo shakhsiyaadka loo soo magacaabo xilalka dowladda.
Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay inuu qayb ka mid ah dhaqaalihiisa ka sameeyay 22 sano oo uu garyaqaan ahaa.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu sidoo kale la –taliye u soo noqday hay’ado maxalli iyo kuwo caalami ah labaduba oo ay ka mid tahay qaramada midoobay.