Sidee Muqdisho loogu soo dhaweeyay cayaartoyda kooxda xulka qaranka ee 17 Jirada ee Soomaaliya?

0
414

Waxaa Maanta garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho si wayn loogu soo dhaweeyay Ciyaartooyda xulka Kubbadda Cagta ee 17 jirada Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan ku soo guuleystay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika, ka dib markii xulka Qaranka Koonfurta Suudaan ay kaga adkaadeen 3-1.
Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee dowladda Soomaaliya, Bahda Cayaaraha Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada gobolka Banaadir ayaa si ballaaran Garoonka Aadan-Cadde ugu soo dhaweeyay ciyaartooyda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay cayaartoyda.
Mas’uuliyiin kala gedisan oo heer Gobol, Federaal iyo Bulshaweynta Gobolka Banaadir ayaa si diiran u soo dhaweeyay Cayaartoyda Kooxda Xulka Qaranka ee 17 jirada oo ku soo guuleystay koobka cayaaraha Bariga iyo Bartmaha Afrika ee CECAFA.
Intaasi ka dib ciyartooyada ayaa la geeyay Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madax kale oo ka tirsan dowladda, iyaga oo ugu hambaleeyay guusha ay gaareen iyo Magaca ay u soo hooyeen Ummadda Soomaaliyeed.