Madaxweynaha dalka oo qof waliba ugu baaqay inuu abuuro 100 geed

0
293

Madaxweynaha wadanka William Ruto ayaa shaaciyay inuu jiro qorsho lagu beeraya 5 bilyan oo geedo cusub ah.
Waxaa uu xusay in tani ay qayb ka tahay dadaallada lagula tacaalaya saameynta isbeddelka ku yimaada cimillada.
William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in si arrintan loogu guulaysto uu qof waliba oo kenyaan ah oo ay xita carruurta ka mid yihiin ugu baaqaya inuu abuuro min 100 geed.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kirinyaga wuxuuna shacabka ku boorriyay ilaalinta deegaanka.