DHAGEYSO:Dadka hubka sharci darrada ah ku haysta Baringo oo loo qabtay hal bil

0
309

Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Baringo Cabdirisaaq Jaldesa ayaa sheegay in shakhsiyaadka haysta hubka sharci darrada ah ee ay u adeegsadaan falal burcadnimo in loo qabtay muddo hal bil ah oo ay ugu soo wareejinayaan laamaha ammaanka.
Waxaa uu sheegay in marka ay muddadan dhamaato ka dib in sare loo qaadi doono howlgalka hub uruurinta.
Guddoomiyaha ayaa xusay in howlgal amni oo afartii bilood ee la soo dhaafay ka socday deegaanka Tiaty ee Baringo lagu soo helay 32 qori.