Dagaalo culus oo haatan ka socda deegaanada Yasooman iyo Beerayabaal ee gobolka Hiiraan

0
202

Wararka naga soo gaaraya deegaanada Yasooman iyo Beerayabaal oo dhinaca Waqooyi bari kaga beegan degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan ay deegaanadaasi ka socdaan dagaalo culus oo u dhexeya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dib u xoreynta deegaanka iyo Al-Shabaab.
Dagaalada ayaa billowday aroornimadii hore ee saaka, ka dib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimaha ciidamada iskaashanaya ay ku kala leeyihiin deegaanada Yasooman iyo Beerayabaal, waxaana la soo warinaya in daryanka hubka dagaalkaasi la isku adeegsanayo laga maqlayo degmada Buulaburte oo qiyaas ahaan deegaanadaasi ay u jiraan in ka badan 30 kiilomitir.
Majirto war rasmi ah oo laga hayo khasaaraha ka dhashay dagaaladaan xooggan ee ka socda deegaanada Beerayabaal iyo Yasooman ee gobolka Hiiraan, maadama uu wali soconayo dagaalka u dhexeya labada dhinac.
Si kastaba ha ahaatee deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan oo dhowr jeer ay ku dagaalameen ciidamada is garabsanaya iyo kuwa Shabaab ayaa ah deegaan muhiim u ah isku socodka deegaanada dhaca dhammaan bariga gobolka Hiiraan.