Nin doonayay inuu lacag ka dhaco maamule bangi oo la toogtay

0
322

Waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay toogasho ku dhaawaceen eedeysane doonayay in isagoo mindi adeegsanaya uu lacag ka dhaco maamulaha bangi ku yaalla xaafadda Nairobi West ee ismaamulka Nairobi.
Ninkan ayay rasaas uga dhacday gacanta midig xilli uu rabay inuu si awood ah hanti ku qaato.
Ka dib markii uu dhulka ku dhacay ayay saraakiisha amniga bangiga sii adkeeyeen iyagoo xaaladda sidii caadiga ahayd ku soo celiyay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in eedeysanaha oo dhaawac ah la geeyay isbitaalka Mbagathi oo uu hadda ku jiro.