Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Samatar oo ku sugan Magaalada Buulaburde ee gobolka Hiiraan ayaa ka hadashay dagaalka halkaasi ka socda ee u dhexeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.
Waxaa ay xustay in muhiimad aad u wayn ay leedahay in la dhiirigeliyo oo la garab istaago kacdoonka Shacabka iyo ciidamada dowladda oo dagaal kula jira kooxaha argagixisada.
Sacdiyo Yaasiin ayaa ka dhawaajisay in ka baarlamaan ahaan ay lacago iyo dhaqaale iska jari doonaan si loogu taakuleeyo ciidamada ku sugan furiimaha dagaalka.
Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamad oo ka mid ah xildhibaannada ka soo jeeda degmada Buulaburde ayaa isna ka warbixiyay u jeedka ay halkaasi u tageen.
Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Khadiija Maxamad Diiriye ayaa tilmaantay in haweenka soomaaliyeed ay marwalbo garab iyo gaashaan u yihiin ciidamada qalabka sida.
Wasiir Khadiijo oo ku sugan magaalada Buulaburde oo ka mid ah meelaha uu ka socdo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ayaa xustay inay kaalintooda ka qaadan doonaan ciribtirka kooxdaasi.