SAWIRRO:Ciidamadii ugu badnaa oo ka baxay Muqdisho si ay u fuliyaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

0
373

Waxaa Duleedka Magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay hub iyo gaadiid dagaal kuwii ugu badnaa oo loo diyaariyay in ay ka qayb qaataan dagaalka dalka Soomaaliya looga saarayo Ururka Al-Shabaab
Sidoo kale deegaanka Gubadleey ayay isku diyaariyeen qaybo ka tirsan Ciidan xoogga oo loo diyaariyay dib u xoreynta dalka iyo ku biiritaanka howlgallada ka socda Gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.
Ciidankan iyo gadiidkan ayaa waxay qayb ka yihiin abaabul dagaal xooggan oo maalmahan si wayn uga socday Magaalada Muqdisho iyo qaybo ka mid ah Gobolka Shabeellada dhexe.
Saraakiisha joogay Halkii lagu soo bandhigay dhoolatuska Ciidan ayaa sheegay in la joogo wakhtigii dadka Soomaaliyeed ay dareemi lahaayeen neecawda nabadeed iyo mid dowladnimo.
Toddobaadyo ka hor ayaa sidaan oo kale waxaa Muqdisho uga baxay Ciidamo farabadan, kuwaas oo la geeyay degmada Cadalle, waxaana ujeedkooda ugu wayn uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe.