Maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee (KeNHA)ayaa sheegay in ilaa iyo Talaadada la xiri doono qayb ka mid ah waddada Uhuru Highway ee magaalada Nairobi.
Tallaabadan ayaa loo aaneeyay howlo dhismo oo socdo.
Arrintan ayaa saameysay inta u dhexeysa wareegga waddada Bunyala iyo Haile Selasie marka lagu soo wajahan yahay bartamaha caasimadda dalka.
Amarkan oo dhaqan galay 10-kii habeenimo ee Jimcihii ayaa shaqeyn doono ilaa 5-ta arroornimo ee 11-ka bishan.
Agaasimaha guud ee maamulka KeNHA ,Kungu Ndungu ayaa gaadiidleyda ka baxaya ama soo galaya bartamaha magaalada Nairobi ku boorriyay inay u hoggaansamaan xeerarka taraafikada oo ay waddooyin kale adeegsadaan iyagoo taxaddar muujinaya.