Wakiilkii hore ee haweenka ismaamulka Kirinyaga ,Wangui Ngirici ayaa meesha ka saartay dacwad ay maxkamadda gaysay oo ay uga soo horjeeday in guddoomiyaha dowlad deegaankaasi Anne Waiguru ay ku soo baxday doorashadii bishii Siddeedaad ee sanadkan.
Ngirici oo ka mid ahayd musharraxiintii u tartamay xilka barasaabnimo ee Kirinyaga ayaa barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku sheegtay inay qareenadeeda ku amartay inaynan dacwadda sii wadin.
Tani ayay ku saleysay wada hadallo ballaaran oo ay la yeelatay taageerayaasheeda , xisbiga UDA iyo hoggaanka isbeheysiga Kenya Kwanza.
Waxay hoosta ka xarriiqday in go’aanka ay qaadatay aynan iyada faa’iido shakhsiyeed ka helayn ama uunan saameyn ku lahayn barasaabka Kirinyaga balse ay dani ugu jirto shacabka ismaamulkaasi.
Wangui Ngirici ayaa intaasi raacisay inay ka dhaga-fureysatay cadaadis ahaa inay dacwadda sii wado iyadoo door-bidaysa in aan la carqaladeyn u adeegidda dadweynaha Kirinyaga.