Maxkamadda ismaamulka Kiambu ayaa damiin lacageed oo dhan hal milyan oo shilinka dalka ah ku siideysay wasiirkii hore ee cayaaraha Rashid Echesa.
Maanta ayay ahayd markii u mar kale ka soo hor muuqaday maxkamadda dowlad deegaanka Kiambu.
Waxaa uu xalay ku hooyday saldhigga booliska ee Gigiri ee magaalada Nairobi.
Xaakinka maxkamadda sare ayaa amartay in Mr. Echesa uu laga billaabo toddobaadka dambe maalin kasta oo Isniin ah iska xaadiriyo xarunta dhexe ee waaxda dambi barista dalka ee DCI-da.
Dacwadda ka dhanka ah wasiirkii hore ee cayaaraha ayaa qorshuhu yahay in mar kale ay maxkamadda soo hadal qaadp 9-ka bisha afaraad ee sanadkan.
Rashid Echesa ayaa toddobaadkii hore laga dhex arkay muuqaal isagoo dharbaxaya mid ka mid ah saraakiisha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ee deegaanka Matungu ee ismaamulka Kakamega.
Waxaa uu ku doodayaa in dacwadda uu wajahay ay ahayd mid siyaasadeysan balse aynan wax isbeddel ah ku keeni doonin taageerada uu u muujinayo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Qareenka u doodaya eedeysanaha , Cliff Ombeta ayaa sheegay in Rashid Echesa uunan dharbaaxin sarkaalka IEBC sida la soo tabiyay.