Wararka naga soo gaaraya Aaga deegaanka Basra oo u dhexeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax xooggan oo lala beegsaday Gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ka ambabaxay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Qaraxa oo ahaa miinada Nooca dhulka lagu Aaso ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan in uu qabsaday gaari uu saarnaa taliyihii qaybta booliska ee Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, xilli ay marayeen meel u dhow deegaanka Basra.
Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar kale oo ka tirsan ciidamada dowladda, iyada oo hadda howlgallo Miino baaris ah ay Ciidamada dowladda ka wadaan waddada xiriirisa degmada Balcad iyo deegaanka Basra.
Laamaha Ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa weli wax faahfaahin ah ka bixin qaraxa lagu dilay taliyihii qaybta booliska ee Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, wuxuuna ku soo beegmay xilli saaka Ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaanka Basra.