DHAGEYSO:Guddoomiyihii ganacsatada Islii oo geeriyooday

0
627

Alle ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Nairobi ku geeriyooday guddoomiyihii guddiga ganacsatada xaafadda islii ee deegaanka Kamukunji Xaaji Ibraahim Xuseen.
Geerida guddoomiyaha waxaa idaacadda Star FM u xaqiijiyay xoghayaha guud ee guddigan Cumar Ibraahim Xuseen iyo Maxamad Ismaaciil Shiine oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ee xaafadda .
Waxay labaduba u warrameen Mowlid Maxamad Shuuriye.

Barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xaaji Ibraahim Xuseen.
Waxaa uu ku tilmaamay shakhsi aad looga qadarin jiray gobolka waqooyi bari horayna u soo noqday guddoomiyihii guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.
Waxaa uu Alle uga baryay inuu ku abaal mariyo jannatul firdowsa isagoo qoyska, ehellada, asxaabta iyo ganacsatada xaafadda islii u rajeeyay samir iyo iimaan.
Xildhibaanka deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan weheliye ayaa xusay in Kenya uu ka baxay waxgarad kaalin weyn ku lahaa arrimaha nabadda iyo ganacsiga.
Waxaa tacsi tani la mid ah diraya Ustaadh Cabdullahi Bundiid , maamulka iyo shaqaalaha idaacadda Star FM.