Maxkamadda ayaa meesha ka saartay dacwad looga soo horjeeday in guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uu tababar horumarin ah u sameeyo barayaasha.
Waxaa go’aankan soo saartay maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee ismaamulka Nakuru.
Tani ayaa timid ka dib markii garsoore David Nderitu uu cadeeyay in dhaqangelinta barnaamijkan ay waafaqsan tahay dastuurka dalka.
Waxaa uu xaakinka dhinac iskaga dhigay dacwad uu geeyay Mr .Joseph Ngethe Karanja oo lagu sheegay la taliye dhanka tacliinta maadaama uunan soo bandhigin caddeymo wax ku ool ah oo lagu hor istaagi karo qorshahan.