Saraakiisha caafimaadka dalka ee ku sugan sohdinta ay wadaagaan dowladaha Kenya iyo Uganda ayaa xoojiyay diyaargarowga iyo dadaallada wax looga qabanayo ka hortagga cudurka Ebola ee ka dillaacay wadanka Uganda.
Dowladda ismaamulka Busia ayaa isbitaalka Alupe ee ku yaalla magaalada Malaba ee dowlad deegaankaasi u aqoonsatay xarun lagu go’adoominaya shakhsiyaadka looga shakiyo xanuunka Ebola.
Barasaabka ismaamulka Busia Dr. Paul Otuoma oo saaka warbaahinta kula hadlay xadka labada dal ee Kenya iyo Uganda ee magaalada Malaba ayaa shaaca ka qaaday in mas’uuliyiinta ay baaritaan qasab ah ku sameynayaan rakaabka ka soo gudbaya dalka Uganda.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in mas’uuliyiinta caafimaadka ay aqbaleen adeegsiga nidaamka elektaroonigga ah ee baaritaannda si loo hubiyo saxnaanshaha.
Dr. Otuoma ayaa ku celceliyay baahida loo qabo in saraakiisha caafimaadka ee Kenya iyo Uganda ay iska kaashadaan tillaabooyinka baaritaanka ee dadka ka soo gudbaya xuduudka.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka Uganda ayaa toddobaadkii hore shaacisay in tan iyo sanadkii 2019-kii ay markii ugu horreysay diiwaangelisay dhimashadii koowaad ee ka dhalatay cudurka Ebola.
Sidoo kale bayaan ay shalay soo saartay wasaaradda caafimaadka ee wadankaasi ayay ku sheegtay in ilaa iyo hadda cudurka Ebola ay u dhinteen 21 qof.
Tirada guud ee kiisaska cudurkan ee ilaa iyo hadda dalka Uganda laga xaqiijiyay ayay wasaaraddu ku sheegtay 34.