Ciidamada Milteriga ee dalka Soomaaliya oo ay taageerayaan miliishiyo deegaanka ah ayaa barqadii maanta la wareegay maagalada Moqokori oo ku taalla bariga fog ee gobolka Hiiraan, ka dib markii ay halkaasi isaga baxeen ururka Al-Shabaab.
Inta aynan ciidamada dowladda iyo miliishiyada deegaanka qabsan magaaladaasi, waxay horay gacanta ugu sii dhigeen tuulooyin ay ka mid yihiin Gumare, Mooro eri, iyo Terdo oo dhammaantood ku dhow Moqokori.
Al-Shabaab ayaa xukumayay Moqokori tan iyo bishii Sagaalaad ee sanadkii 2016-kii, markaas oo ay qabsadeen ka dib markii ay isaga baxeen ciidamadii dowladda iyo kuwii Itoobiya ee halkaasi joogay.