Ruto oo ugu baaqay deyn bixiyaasha in wakhti dheeraad ah oo amaahda isaga bixiyaan siiyaan dalalka soo karaya

0
416

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa soo jeediyay in wakhti dheeraad ah la siiyo dalalka dhaqaalahoodu dhex dhexaadka yahay si u bixiyaan deymaha shisheeyaha ku leeyahay.
Xilli uu xalay khudbad ka jeediyay kal-fadhiga 77-aad ee golaha guud ee qaramada midoobay, ayuu ugu baaqay bangiga adduunka, hay’adda caalamiga ee lacagaha adduunka ee IMF iyo deyn bixiyayaasha kale inay muddo dheeraad ah oo ay deynta isaga bixiyaan siiyaan dalalka ay sida xun u saameysay colaadaha, isbedelka cimilada iyo aafada Covid-19.
Waxaa uu dhanka kale u soo jeediyay dalladda ay ku mideysan yihiin 20-ka waddan ee caalamka ugu dhaqaalaha wanaagsan ee loo yaqaano (G20) inay sidoo kale dib u dhigaan bixinta deymaha ay ku leeyihiin waddamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay inta ay kaga soo kabanayaan dhibaatooyinka dhaqaale oo ay wajahayaan.
Waxaa uu xusay in dalalka soo koraya ay si weyn ugu cuslaatay inay bixiyaan deymaha uu shisheeyaha ku leeyahay, sidaas darteed ay halis ugu jiraan in ay lumiyaan guulaha horumarineed oo ay gaareen.
“Kenya iyo Afrika inteeda kale, gaar ahaan dalalka kale ee soo koraya, waxay u baahan yihiin iskaashi caalami ah oo xal loogu helayo dhibaatooyinka dhaqaale,’ ayuu yiri madaxweyne Ruto.