Dacwad ka dhan ah barasaabkii hore ee Kiambu oo dib loo dhigay

0
319

Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa sheegtay in maxkamadda ay dib u dhigtay dacwad ka dhan ahayd guddoomiyihii hore ee ismaamulka Kiambu Ferdinand Waititu .
Tani ayaa timid ka dib codsi ay gudbisay kooxda matalaysa siyaasigan oo uu aqbalay garsooraha sare ee maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi.
Waititu iyo 12 eedeysanayaal oo kale ayaa loo haystaa in si aan habboonayn ay u bixiyeen qandaraas dhanka waddooyinka ah oo ay ku baxday lacag dhan 588 milyan oo shilin.
Bishii koowaad ee sanadkii 2020-kii ayay ahayd markii Ferdinand Waititu laga xayuubiyay xilka barasaabnimo ee Kiambu.
Waaxda dacwad oogidda ayaa bayaan ku sheegtay in iyadoo ay matalayaan dacwad oogayaasha kala ah Faith Mwila iyo Linda Mwamburi ay diyaar la ahaayeen 2 marqaati.
Waxay intaasi ku dartay inay soo bandhigtay 27 marqaatiyaal ah oo la doonayo inay maxkamadda u cadeyaan sida hantida Kiambu loo musuqmaasuqay.
Maxkamadda ayaa mar kale dacwaddan dhageysan doontaa 14-ka bisha Tobnaad ee sanadkan.
Maxkamadda sare ee dalka ayaa horay xannibaad u saartay 18 ah hanti muhiim iyo 7 baabuur oo uu leeyahay Waititu ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya kiiska uu maxkamadda geeyay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.