Iyada oo saacadihii la soo dhaafay dilal la xiriira aanooyin qabiil ay ka dhaceen degmada Kaaraan ee gobalka Banaaadir ayaa laamaha ammaanka Soomaaliya shir degdeg ah ka yeesheen arrintaasi.
Shirka oo ka dhacay degmada Kaaraan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo soo afjaro lahaa falalka la xiriira aanooyinka qabiil ee ka dhaca degmada, waxaana kulanka goobjoob ka ahaaa Taliyayaasha Saldhigyada Qaybta Bari ee gobalka Banaadir, Afhayeeenka Ciidanka Booliska, Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Maamulka degmada oo uu ugu horreeyo guddoomiye Abshir Kaaraan.
Shirka ayaa laga soo saaray go’aano la xiriira sidii ay dhacdooyinka noocaan ah aysan markale dib u soo laaban degmadaasi.
Waxaa ay dhinacyadu isku raaceen in howlgal lagula dagaalamayo kooxaha amniga qalqal gelinayo laga billaabo degmada sidoo kalena sharciga lamarsiin doono dadka ku howlan arrimaha noocaan ah.
Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya Saadaq Doodisho oo faahfaahiyay u jeedka kulanka ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay la xisaabtami doonaan dadkii ka dambeeyay dilalka saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Kaaraaan.
Sidoo kale xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamad ayaa sheegay in dhacdooyinka noocaan oo ay gaystaan ciidamada dowladda gaar ahaan degmada Kaaraan.
Waxaa uu lamaha Ammaanka faray in si degdeg ah ay Maxkmadda u hoorkeenaan si sharciga loo marsiiyo.
Dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Degmada Kaaraan ee gobalka Banaadir ayaa lagu dilay Saddex Qof.
Waxaa ay dilalkaasi ay la xiriiraan aanooyin qabiil, iyadoona dadka degan degmada Kaaraan ay qaati ka taagnaayeen kooxo burcad ah.