Iyadoo shalay la aasay boqoraddii Ingiriiska ee geeriyootay 8-dii bishan Queen Elizabeth II ayay qoyska Koitalel Arap Samoei oo ahaa halyeey u soo dagaallamay xurriyadda waxay boqortooyada Ingiriiska ka dalbanayaan inay soo celiso madaxa ninkan oo la dilay 19-kii bishii Tobnaad ee sanadkii 1905.
Iyagoo uu hoggaaminaya Ambrose Tarus, oo ka mid ah dadka uu awoowga u ahaa Koitalel ayay xubnaha qoyskan shalay tageen matxafka Koitalel ee Nandi.
Qoyska ayaa sheegaya in ka dib markii awoowgood la dilay madaxiisa la qaatay .
Sidoo kale dowladda Britan ayay ka dalbadeen inay raaligeliso bulshada ku nool ismaamulka Nandi iyo inay siiso magadhow lacageed oo dhan 150 bilyan oo shilin.
Koitalel Arap Samoei ayaa hoggaaminayay kacdoon qaatay 11 sano oo looga soo horjeeday in aagga Nandi laga dhiso marinka tareennada ee Uganda Railway.
6-dii bishii Lixaad ee sanadkii 2013-kii ayay ahayd markii xoghayihii hore ee arrimaha dibadda ee Britain William Hague uu qiray in ciidamada Ingiriiska ay dhibaateeyeen kenyaan ka soo horjeeday maamulkii guumaysiga.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qiyaastii 12,000 oo Afrikaan ah ay ku dhinteen dhaqdhaqaaqyadii ka horreeyay madax bannaanida.