Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ku wareegay xafiiskiisa rasmiga ah

0
160

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa si rasmi ah ugu wareegay xafiiskiisa oo ku yaalla daarta Harambee House ee magaalada Nairobi
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu arrintan ku xaqiijiyay.
Waxaa uu xusay in hadda ay diyaar u yihiin inay shaqeyaan oo ay wadanka u jiheeyaan dhanka dib u soo kabashada.
Rigathi Gachagua ayaa u mahadceliyay saraakiisha sar sare ee xafiiska madaxweyne ku xigeenka dalka oo uu sheegay inay si faahfaahsan warbixin ula wadaageen.
Waxaa uu intaasi ku daray in isaga iyo madaxweyne William Ruto ay ka go’an tahay maareynta arrimaha qaranka.