Waraka naga soo gaaraya tuulooyinka Oldonyiro iyo Kipsing ee ka tirsan ismaamulka Isiolo ayaa sheegaya in 5 qof ay dhinteen ka dib markii ay cabeen daroogada nooca Khamriga ee sharci darrada ah.
Sarkaalka caafimaadka ee ugu sarreeya dowlad deegaanka Isiolo Peter Ngechu ayaa sheegay in dadka ka hor inta aysan dhiman ay dareemeen daciifnimo, islamarkaana ay aragooda waayeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 9 qof oo kale ay xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.
Laamaha ammaanka ee ismaamulkaasi ayaa haatan wado baaritaan ku aadan dhacdadan sababtay geerida 5-ta qof.