Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay 54 Al-Shabaab ah ku dishay howlgallo ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellada hoose

0
399

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macaawisleyda ayaa ku dhawaad 50 ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku dilay meel u dhow degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.
Howlgal ka dhacay deegaanka Yasooman oo hoostaga degmada Buulo-burde, ayaa lagu dilay 45 dagaalame, halka 9 kalena lagu dilay tuulada Warmaxan oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose.
Sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, intii ay socdeen howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaa lagu dilay 200, waxaana laga xoreeyay 30 tuulo.
Waxaa howlgalladan iska kaashaday ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya: