Guddoomiyaha baarlamaanka oo ballanqaad sameeyay

0
306

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetangula ayaa sheegay inuu si dhexdhexaadnimo ah u maareyn doono loolanka ku aaddan hoggaanka aqlabiyadda baarlamaanka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo isbeheysiga Kenya Kwanza iyo Azimio ay labaduba sheeganayaan inay aqlabiyad ku leeyihiin baarlamaanka.
Moses Wetangula oo ka mid ah siyaasiyiinta Kenya Kwanza ayaa xilli uu shalay soo xiray kulanka barasaabyada ee Mombasa hoosta ka xarriiqay inuunan cidna ugu eexan doonin tartanka .