Dhulgariir cabbirkiisu lagu qiyaasay 6.9 ayaa ku dhuftay jasiiradda Taiwan .
Dhacdadan oo laga soo tabiyay dhinaca xeebta Koonfur Bari ayaa waxaa ku burburay dhisme ka kooban labo dabaq oo ku yaalla degmada Yuli.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labo qof ay weli ku hoos xanniban yihiin burburka iyadoo ay socdaan howlaha samatabixinta.
Dhulgariirka ayaa ka dhacay meel ilaa 50 kiilomitir u jirta waqooyiga magaalada Taitung sida laga soo xigtay waaxda Maraykanka ee baaritaannada dhulka ee (USGS)
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ugu yaraan 600 oo ruux ay ku xannibmeen aagagga buuralayda ee Chike iyo Liushishi ka dib markii ay waddooyinku xirmeen .
Hasa ahaate lama soo tabin dhimasho iyo dhaawac.