Martha Koome oo magacawday garsoorayaasha dhageysanaya dacwadaha doorashada

0
459

Madaxa waaxda garsoorka ee dalka Martha Koome ayaa si rasmi ah u shaacisay magacyada xaakinnada dhageysan doono dacwadaha la xiriira doorashadii guud ee bishii hore.
Qoraal ku taariikhaysan maanta ayaa muujinaya in howshan loo xil saaray garsoorayaal gaaraya 123 oo ka howlgalo maxkamadaha kala duwan ee dalka.
Kiisaska la xiriira doorashada wakiillada deegaannada hoose ee ismaamullada ayaa dhan 77, waxaa soo raaca kuraasta baarlamaanka ee lagu muransan yahay oo gaaraya 28, barasaabyada waa 12, wakiillada dumarka (4) halka xilka senatarnimo laga gudbiyay labo dacwadood.
Shakhsiyaadka aan ku qancin natiijadii ka soo baxday doorashadii Kenya ka dhacday 9-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan ayaa waxaa ka mid ah Sakwa Bunyasi oo uu Paul Otuoma kaga guulaystay xilka barasaabnimo ee ismaamulka Busia, Evans Kidero oo si madax bannaan ugu tartamayay xilka guddoomiyaha Homa Bay, Katoo ole Metito oo ka tirsan xisbiga UDA oo ku gacan seyray guushii barasaabka ismaamulka Kajiado Joseph ole Lenku Purity Ngirici oo si madax bannaan ugu tartantay jagada barasaabka Kirinyaga iyo Patrick Musimba oo lumiyay xilka barasaabnimo ee Makueni.
Dacwadaha xilka senatarnimo ee maxkamadda la geeyay ayaa ah kuwa ismaamullada Vihiga iyo Narok.
Deegaan baarlamaneedyada natiijadii ka soo baxday muranka la geliyay waxaa ka mid ah Kimilili, Budalangi, Waqooyiga Mandera ,Ceeldaas, Kiambu, Bahati, Waqooyiga Imenti ,Bariga Laikipia iyo Galbeedka Mugirango.