Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa magaalada Mombasa kulan lagu tilmaamay mid naadir ah kula qaatay madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Gachagua iyo Raila oo wada fadhiya in kastoo aan macluumaad dheeraad ah laga hayn.
Gachagua ayaa barta Facebook-ga ku sheegay inay xushmad u hayaan waayeellada dalka.
Waxaa uu intaasi ku daray inay farxad u ahayd in saaka isaga iyo ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka ay sheekeysteen.
Rigathi Gachagua ayaa xilligaasi dib ugu soo laabanayay magaalada Nairobi ka dib markii Mombasa uu shalay ka furay kulan barasaabyada ismaamullada u socon doono saddex cisho.