Raila oo guddoomin doono shirka Azimio

0
459

Madaxa isbeheysiga Azimio la Umoja- One Kenya ,Raila Odinga ayaa la filayaa inuu maanta guddoomiyo shir siyaasadeed oo ay yeelanayaan xubnaha baarlamaanka ku matalo.
Ajeendaha shirka ayaa lagu sheegay kaalintooda mucaaradnimo ka dib markii ay ku guul dareysteen doorashadii guud ee bishii hore.
Madaxa xisbiga Wiper ,Kalonzo Musyoka ayaa laga soo xigtay in kulanka looga hadli doono sida xisbiyada ka tirsan Azimio ay u qaybsanayaan xilalka hoggaanka ee baarlamaanka iyo aqalka sare.
Xisbiyada ODM, Jubilee, Wiper iyo DAP-K oo ka wada tirsan Azimio ayaa matalaad ku leh baarlamaanka.
Madaxa xisbiga Narc-Kenya Martha Karua ayaa lagu wadaa inay ka qayb gasho shirka oo ka dhici doono maqaaxida Stoni Athi ee ismaamulka Machakos .
Dhanka kale madaxweyne William Ruto ayay wararku sheegayaan inuu galinka dambe ee maanta siyaasiyiinta isbeheysiga Kenya Kwanza kula kulmi doono magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Wargeyska Daily Nation ayaa ku warramaya in kulankaasi looga hadli doono hoggaanka golayaasha xeer dejinta , wax ka qabashada qiimaha maciishadda ka dib markii shidaalka uu kordhay iyo geeddisocodka soo bandhigidda golaha wasiirrada ee maamulka Ruto iyo Gachagua.