Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa tacsi u diray qoyska , ehellada , asxaabta, barasaabka iyo shacabka ismaamulka Baringo ka dib markii uu geeriyooday guddoomiye ku xigeenkii dowlad deegaankaasi Charles Kipng’ok.
Kipng’ok oo horay u soo noqday guddoomiyaha ururka beeralayda caleenta shaaha ee dalka ayaa wajahay culeys dhanka neefsashada ah xilli uu ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Shalay galab ayuu geeriyooday xilli uu doonayay inuu u safro magaalada Mombasa.
William Ruto ayaa mas’uulka geeriyooday ku tilmaamay shakhsi muddo badan u soo adeegay dadweynaha.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu horumar wax ku ool ah gaarsiiyay waaxda caleenta shaaha ee wadanka.
We pray to God that He grants the family, the loved ones and the people of Baringo strength at this sad time. Rest In Peace.
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) September 15, 2022