Dowladaha Armenia iyo Azerbaijan ayaa lagu soo warramayaa inay ku heshiiyeen xabbad joojin lagu soo afjaraya colaadda u dhexeysa.
Dhawaan ayay ahayd markii isku dhac soo cusboonaaday oo dhex maray waddamadan lagu dilay 155 sarkaal oo ka mid ah kuwa qalabka sida.
Heshiiska cusub ee ay gaareen dalalkan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay xoghayaha golaha ammaanka ee Armenia Armen Grigoryan.
Hasa ahaate dowladda Azerbaijan ayaan weli dhankeeda ka hadlin is-afgaradka la soo tabinaya.