Xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU ,Francis Atwoli ayaa farriin hambalyo ah u diray madaxweynaha cusub ee dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua oo shalay la caleema-saaray.
Waxaa uu sheegay inuu taageerayo baaqa Ruto ee ah in dadweynaha ay midoobaan oo dib u heshiisiin la sameeyo.
Mr.Atwoli ayaa shacabka ugu baaqay inay garab siiyaan maamulka cusub iyagoo aan ku saleynayn dhinaca ay siyaasad ahaan taabacsan yihiin.
Waxaa uu sidoo kale bogaadiyay qaabkii nabadda ahayd ee ay doorashada guud ku dhacday talada dalkana la isugu wareejiyay.
Francis Atwoli ayaa intaasi ku daray in dalladda shaqaalaha ee COTU ay diyaar u tahay inay maamulka William Ruto kala shaqeyso xoojinta midnimada , ilaalinta xuquuqul aadanaha iyo daryeelka shaqaalaha dalka.
COTU (K) joins Kenyans in celebrating and congratulating His Excellency President William S. Ruto and his Deputy His Excellency Hon. Rigathi Gachagua on their inauguration. pic.twitter.com/xQUjQkPqPd
— Francis Atwoli NOM (DZA), CBS, EBS, MBS. (@AtwoliDza) September 14, 2022