Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi kulan kula qaatay dhigiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxay ka wada hadleen xaaladda amni ee dalka Soomaaliya iyo si guud geeska qaaradda Afrika.
William Ruto ayaa sheegay in la dardargelin doono hirgelinta guddiga isku dhafka ah ee ka shaqeynaya iskaashiga labada dal ee dariska ah.
Tallaabadan ayuu xusay inay sare u qaadi doonto ka ganacsiga qaadka , kalluunka iyo fududeynta isku socodka shacabka Kenya iyo Soomaaliya.
Held discussions with Somalia President @HassanSMohamud that also included the security situation in Somalia and the Horn of Africa, State House, Nairobi. pic.twitter.com/qNkz9MSoF4
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) September 14, 2022
We will fast track the implementation of the Joint Commission for Cooperation between Kenya and Somalia. This will boost trade in Miraa and fish and ease movement between our two nations. pic.twitter.com/TuDHByDpBH
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) September 14, 2022