Guddoomiyaha IEBC oo u mahadceliyay madaxweynaha cusub

0
359

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee (IEBC) Wafula Chebukati ayaa madaxweynaha cusub William Ruto uga mahadceliyay inuu bogaadiyay kaalintiisi maareynta doorashada guud ee bishii hore.
Shalay ayay ahayd markii Ruto uu sheegay in xilligii codeynta uu Chebukati qaatay go’aan adag in kastoo la doonayay in la cabsi geliyo.
Waxaa uu ku tilmaamay shaqaale dowladeed oo ku dayasho mudan .
Guddoomiyaha guddiga IEBC ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay inuu ku faanayo doorka uu ka qaatay xoojinta dimuqraadiyadda wadanka.
Waxaa uu u mahadceliyay saraakiisha sar sare ee IEBC sida Cabdi Yaaquub Guuliye , Boya Molo, madaxa fulinta Xuseen Marjan iyo dhammaan shaqaalaha guddiga oo uu xusay inay ka shaqeyeen in natiijada doorashada ay noqoto mid lagu kalsoon yahay.