IGAD oo soo dhaweysay war ka soo baxay dhinacyada isku hayo Itoobiya

0
210

Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Dr Workneh Gebeyehu ayaa bayaan ku sheegay inuu soo dhaweynayo in dhinacyada ku dagaallamaya dalka Itoobiya ay sheegeen inay ka go’an tahay xabad joojin iyo wada hadallo dhexdhexaadin ah.
Waxaa uu xusay inuu si dhow ula socdo xaaladda wadanka Itoobiya.
Dr Workneh ayaa hoosta ka xarriiqay inay dhiirigelin u tahay sida xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Axmad ay si joogto ah ugu muujinayso xallinta tabashooyinka ka jiro guud ahaan qaybaha wadankaasi.