Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada ayaa lagu wadaa inuu Maanta
ka furmo Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada.
Shirkan oo uu Madaxda maamul Goboleedyada isugu yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud ayaa waxaa looga wada hadli doonaa arrimo dhowr ah oo ka mid yihiin xaaladda abaaraha, amniga, siyaasadda, la dagaalanka Al-shabaab iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Shirka Golaha Wadatashiga Qaran uu socon doono muddo laba maalmood ah, isla markaana Madaxda ka qeyb galeysa ay dood adag ku yeelan doona Shirka oo Maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho.
Madaxda maamullada Hirshabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa ku sugan magaalada Muqdisho.
Shirkaan ayaa daba socdo kulankii fashilmay ee ay gudaha Muqdisho ku yeesheen Wasiirka maaliyadda dowladda dhexe iyo Wasiirada maaliyadda maamul goboleedyada dalka, kaas oo ugu dambeyn lagu kala kacay, kadib markii Wasiiradda ay heshiin waayeen.
Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada ayaa ku soo aaday, iyadoo madmadow uu ka dhex jiro qaar ka mid ah maamullada iyo dowladda, waxaana qaar ka mid ah madaxda maamullada ay dhaliilsan yihiin hab maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Axmad Macallin Fiqi iyo madaxweynaha maamulka Galmudug Axmad Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimadda shirkan.