Maamulka gobolka Hiiraan oo nasiib darro ku tilmaamay hadal ka soo yeeray xildhibaan Xusul

0
365

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya uu eed u jeediyo Dad Soomaaliyeed oo la dagaalamaya Al-Shabaab.
Waxaa uu Guddoonka Golaha Shacabka ugu baaqay in si hoose loo eego hadalka ka soo yeeray Xildhibaan Xusul, kuna eedeeyay dad shacab ah oo dagaal ku jira, isagoo intaasi ku sii daray in baaris sharciyadeed lagu sameeyo Xildhibaanka.
Guddoomiyaha ayaa xusay in Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul eedeynta uu u jeedinayo kooxda Macwiisleyda ah ee la magac baxday Ciidamada dib u xorenynta deegaannada Gobalka Hiiraan ee la dagaalamayo Al-Shabaab ay yihiin dadka uu matalo Xildhibaanka.
Waxaa uu intaasi ku daray in nasiib darro wayn tahay in Xildhibaanka uu sidaas ula hadlo Dad Soomaaliyeed ee dagaalka ku jira, si ay u xoreeyaan deegaannada Gobolka Hiiraan, waa sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ayaa Carabka ku adkeeyey in Cid walbo oo ka hortimaado wax uu ugu yeeray kacdoonka lagula dagaalamayo Al-Shabaab ay hiil u tahay, taas oo ahayd dareen ay dhibsanayeen Abaabulka shacabka.