Waxaa weli ka socda magaalada Muqdisho shirka u dhexeya Wasiirrada Maaliyadda Heer Federaal iyo Heer maamul Goboleed ee Soomaaliya, kaas oo caasimadda ka furmay 5-tii Bishan, ka dib markii Dowladda Soomaaliya ay u yeertay Wasiirrada maaliyadda Dowlad Goboleedyada.
Shirka oo Warbaahinta banaan joog ka tahay ayaa galay xaalad adag, waxaana weli taagan caqabaddii markii hore keentay in Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada ay ku dhawaaqaan ina xiriirka u jareen Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Wararka laga helayo Shirka ayaa waxaa ay sheegayaan, in Wasiirada qodobka ugu wayn ay isku hayaan uu yahay sida loo qaybsanayo deeqaha lagu helo magaca Soomaali wayn, iyadoo dhanka dowladda lagu eedeynayo inay damacsan tahay sad bursi.
Sidoo kale Wararka la helayo ayaa sheegaya in dowlad Goboleedyada ay ku doodayaan in wax lagu qaybsado qoondadii Hore ee 60/40 , iyada oo dowladda Dhexe ay qaadan jirtay 40%, halka dowladda Federaalka ay ku doodayso in lacagaha deeqaha ah loo qaybsado si siman.
Weli waxaan jirin wax heshiis ah oo ay shirka ku gaareen wasiirrada Maaliyadda Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, waxaana la filayaa in dhawaan shirka la soo gabagabeeyo, islamarkaana Warmurtiyeed laga soo saaro.
Home Wararka Soomaaliya Shirka wasiirrada maaliyadda heer Federaal iyo heer maamul goboleed oo xaalad adag...