DHAGEYSO:Madaxweynaha Galmudug oo sheegay inay la dagaalami doonaan cid walbo oo duullaan ku soo qaado

0
302

Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Axmad Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan deegaanka Maarsamage ee ku yaalla bariga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, ayaa sheegay in ujeedka safarkiisa uu yahay sidii dadka deegaanka ee hubka qaatay ay uga qayb qaadan lahaayeen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, Islamarkaana ay ku guuleysan doonaan.
Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab xilligaan kaliya ay u soo jeesteen in ay cid walba dilaan, balse waligood dadka Reer Galmudug ay ka guuleysan jireen dadkii soo weerara.
Shacabka Galmudug ayuu ugu baaqay inay kacaan oo ay la dagaalamaan Ururka Al-Shabaab.
Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye ayaa sheegay in ka Galmudug ahaan ay garab taagan yihiin dadka la dagaalamaya Al-Shabaab, isaga oo ugu baaqay hay’adaha Caalamiga ah inay u soo gargaaraan dadka ay dhibaateeyeen Al-Shabaab.

Dhanka kale dadka deeganka oo isugu jiro odayaasha iyo waxgaradka ayaa sheegay in ay diyar u yihiin la dagalanka kooxda Al-Shabaab.