Madaxweynaha la doortay oo khadka taleefoonka kula hadlay dhigiisa xilka ka degaya

0
404

Madaxweynaha la doortay ee dalka Dr. William Ruto ayaa khadka taleefoonka kula hadlay madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Uhuru Kenyatta.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu Ruto ku sheegay in ay iska wareysteen doorashooyinkii dalka ka dhacay iyo waliba arrimo kale.
Waxaa uu sido kale xusay Ruto in uu Uhuru kala hadlay arrimaha xil wareejinta.
Khudbad uu jeediyay madaxeynaha cusub ee dooran ka dib go’aankii maxkamdda sare, ayuu ku sheegay in isaga iyo madaxweynaha xilka ka degaya aysan isla hadlin mudoo bilooyin ah.
Sido kale waxaa xusid mudan in khudbadii dhawaan ee madaxeyne Uhuru Kenyatta uusan hal marna ku soo hadal qaadin Ruto sidoo kalena uu ka gaabsaday inuu u hambalyeeyo.