Madaxweynaha la doortay William Ruto, ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua iyo qaar ka mid ah xulafada siyaasadeed ee isbeheysiga Kenya Kwanza ayaa maanta gaareen ismaamulka Nakuru, si ay ugu mahadceliyaan dadweynihii halkaasi ee u codeeyay doorashadii guud ee 9-kii bishii hore.
Ku xigeenka madaxweynaha la doortay Rigathi Gachagua ayaa ku eedeyay isbeheysiga Azimo La Umoja-One Kenya ee uu hoggaamiyo Raila Odinga iyo qareennadiisa matalayay ay maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ku soo badhigeen caddeymo been abuur.
Waxaa uu xusay in doorashadii ay soo dhammaatay islamarkaana uu rajeynaya in maxkamadda sare ay ayidi doonto natiijadii xilka madaxtinimo ee uu ku guuleystay William Ruto.
Mar uu arrimahan ka hadlay Rigathi Gachagua ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa
Madaxweynaha la doortay William Ruto ayaa dhankiisa u mahadceliyay dadweynihii soo doortay ee ismaamulka Nakuru.
Socdaalka William Ruto ee dowlad deegaanka Nakuru ayaa ku soo aadaya iyadoo la filaya in berri maxkamadda sare ee Supreme Court ay go’aan ka soo saarto dacwaddii loo gudbiyay ee ka dhanka ahayd natiijadii ka soo baxday doorashada guud ee xilka madaxtinimo ee dhacday 9-kii bishii hore.